Dowladda Ruushka ayaa qafaal ciidameyn qasab ah ku haysa shacabkeeda.

Sunday September 25, 2022 - 14:09:05
Liibaan Jeexoow
Dowladda Ruushka ayaa sii wadda ololaha ballaaran ee ay ku dagaal gelinayso shacabkeeda si ay ugaso kabsato khasaaraha xooggan ee kasoo gaaray dagaalka ka holcaya wadanka Yukreyn.
Ciidamada Booliska iyo kuwa sirdoonka ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen boqolaal kun oo ruux kuwaas oo isku dayay in ay ka baxsadaan dalka si ay uga badbaadaan ciidameynta qasbka ah.

Hay'adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul Insaanka ayaa soo wariyay in ciidamada Ruushka ay isku dhereriyeen dhammaan xuduudaha wadanka si ay uga hortagaan barakaca ay sameynayaan shacabkeeda qafaal diidka ah.

Isbuucii lasoo dhaafay ayuu faladamiir Putin ku dhawaaqay heeggan buuxa isagoo uyeertay ciidamadiisa Keydka ah si ay guul uga keenaan dagaalka Yukreyn.

Related Items