deg deg: Gaari uu lahaa Senator Siciid Siyaad Shirwac oo lagu qarxiyay deegaanka Cadakibir

Sunday September 25, 2022 - 12:53:33
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya deegaanka Cadakibir ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo uu lahaa Senator Siciid Siyaad Shirwac.

Qaraxa ayaa sababay in uu burburo gaariga labeegsaday waxaana ku dhintay 2 sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Geedi Cusmaan Guutaale iyo Raage Xasan Dhowrre.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen illaa 4 askari oo kamid ahaa ilaalada Senator Siciid Siyaad Shirwac.

Related Items