Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagula beegsaday degmada Qansaxdheere.

Saturday September 24, 2022 - 16:21:49
Liibaan Jeexoow
sawir hore gaari laga gubay ciidamada Itoobiya
sawir hore gaari laga gubay ciidamada Itoobiya
Sida ay wararku sheegayaan qaraxyo xooggan ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Baay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Qaraxyo si xigxigay ayaa maanta barqadii garoonka macmalka degmada Qansaxdheere lagula beegsaday ciidamo katirsan Xabashida itoobiya, qaraxyada oo ahaa 2 ayaa haleelay ciidamo lugeynayay.

Ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan qarax 1aad ayaa ka dhacay halka ay diyaaraduhu kusoo degaan waxaana la sheegay in uu khasaara kasoo gaaray ciidamada Itoobiya.

Diyaarad xamuul ah oo garoonka Qansaxdheere sahay ka dajin laheyd ayaa cabsi darteed labaajiyay waxaana markii dambe garoonka soo caga dhigatay diyaarad helicopter ah taasi oo daabushay meydad iyo dhaawacyo sida ay wararku sheegayaan.

Degmada Qansaxdheere ayaa kamid ah degmooyinka ay xoogga ku haystaan ciidamada Xabashida Itoobiya inkabadan 10 sanadood oo xiriir ah.

Related Items