Taliska ciidamada ATMIS oo sheegay in ay qeyb ka yihiin dagaallada ka socda Hiiraan iyo Galguduud.

Saturday September 24, 2022 - 11:48:08
Liibaan Jeexoow
Howlgalka ciidamada Afrikaanta ee loo yaqaan ATMIS ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaallada dib ugasoo cusboonaaday deegaanno katirsan gobollada dhexe.
Warsaxaafadeed kasoo taliska ciidanka midowga Afrika ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qeyb ka ahaayeen dagaalladii ka dhacay Booco,Abooreey,Yasooman iyo deegaanka Sinadhaqo.

ATMIS waxay sheegtay in ay taageera siinayaan maleeshiyaadka dowladda qeybahooda kala duwan islamarkaana ay diyaarado geeyeen aagga dagaalka.

Dowladda Mareykanka ayaa horay usheegtay in ay duqeymo diyaaradeed uga qeyb qaadatay dagaallada ay maleeshiyaadka Macaawisleyda iyo kuwa Danab uga jiraan deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.

Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa maalmo ka hor sheegay in isbahaysi saliibi ah ay dagaal adag kula jiraan isagoona digniin adag udiray beelo iyo shakhsiyaad ku lug lahaaday duullaankaas ashahaadda ladirirka ah.

Related Items