Madaxweynaha maamulka 'Puntland' oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiirrada.

Saturday September 24, 2022 - 09:47:55
Liibaan Jeexoow
Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirrada.
Deni ayaa shaqada ka eryay wasiirradii maaliyadda iyo arrimaha gudaha isagoona ku bedelay siyaasiyiin ay isbahaysi cusub sameysteen.

Xasan Abgaal oo ahaa wasiirka maaliyadda ayaa la eryay waxaana lagu bedelay Cabdirisaaq Sheekha Adduunyo.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa loo magacaabay Cabdi Faarax Juxa sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada magaalada Garowe.

Dhinaca kale Deni ayaa taliyaha ciidanka sirdoonka ee PISA u magacaabay Jamaal Carab Yuusuf, magacaabista iyo xilka qaadistan uu sameeyay Saciid Deni ayaa kusoo aadaysa xilli uu maamulka fadhigiisu yahay magaalada Garowe uu isku diyaarinayo doorashooyinka madaxwenaha.

Related Items