4 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Baay.

Thursday September 22, 2022 - 19:03:58
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar culus oo markale lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ayaa sheegaya in xoogag jihaadi ah ay weerar culus ku qaadeen saldhigga ugu weyn ee ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka degmada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas culus oo ay labada dhinac is dhaafsanayeen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari Itoobiyan ah ay ku dhinteen weerarka Diinsoor ka dhacay halka ay 2 kale dhaawacyo kasoo gaareen.

Jugta madaafiicdii laysku dhaafsanayay Diinsoor ayaa xalay laga maqlayay dhowr deegaan oo katirsan gobolka Baay.

Related Items