Dowladda Imaaraatka Carabta oo safiir cusub usoo magacaawday Soomaaliya.

Thursday September 22, 2022 - 16:20:32
Liibaan Jeexoow
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in ay bedeleen safiirkii u fadhiyay Soomaaliya.
Dowladda Imaaraatka ayaa xilka qaadis ku sameysay Max'med Axmed Cusmaan Al Xamad oo ahaa safiirka Soomaaliya waxaana lagu bedelay Ahmad Juma Al Rumaithi.

Safiirka cusub ee Imaaraatku ay usoo magacaabeen magaalada Muqdisho ayaa larumeysanyahay in uu lajaan qaadi doono isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Doorashadii Muqdisho ka dhacday Bishii May ee sanadkan uuna kusoo baxay Xasan Gurguurte ayaa larumeysanyahay in uu kaalin weyn ku lahaa Imaaraatka Carabta oo si aad ah ugasoo horjeeday siyaasaddii uu wax ku maamulayay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.


Related Items