Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan.

Wednesday September 21, 2022 - 13:37:31
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan deegaan hoos taga magaalada Beledweyne.
Sida ay wararku sheegayaan dagaalka oo maanta duhurkii ka qarxay deegaanka Booco ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 19 askari oo katirsan ciidamada dowladda.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii maanta ay ku dileen 18 askari ayna ku dhaawaceen 20 kale.

Saraakiisha ku dhaawacmay dagaalkii maanta waxaa kamid ah taliyihii ciidamada Gorgor ee dhanka maamulka Hirshabelle iyo madaxii Miina Baarka maleeshiyaadka Danab ee Hirshabelle

ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Ashaamudka ah ay kasoo baxeen deegaanka Booco kadibna ay lakulmeen weerar jidgal ah oo markii dambe isku bedelay dagaal aad uqaraar.

Diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaallada culus ee ka socda gobolka Hiiraan.

Dhinaca qarax gaari looga gubay ciidamada DF-ka ayaa maanata barqadii ka dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan basle lama oga khasaaraha ka dhashay.


Related Items