Saldhigyo ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya oo weeraro la kulmay.

Tuesday September 20, 2022 - 17:10:22
Liibaan Jeexoow
Weeraro safballaaran ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin iyo deegaanno dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.
Wararka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga Bay ay xalay weerar culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka DF-ka ay ku leeyihiin deegaanka Goofguduud Buureey ee dhaca duleedka Baydhabo.

Sidoo kale weerar culus ayuu lakulmay saldhigga deegaanka Daynuunaay, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Dhinaca kale gobolka Sh/hoose dhowr deegaan oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada shisheeyaha ATMIS ayaa la weeraray, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay weeraro ka dhaceen deegaannada Shalaambood iyo Danoow balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Related Items