Ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo duullaan ballaaran ku qaaday gobolka Tigray.

Tuesday September 20, 2022 - 17:04:28
Liibaan Jeexoow
Kadib Afar maalmood oo xaalad deganaanshiyo ah ay ka jirtay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya dhaca ayay dagaallo culus dib uga qarxeen dhammaan furimaha dagaalka.
Wararka ka imaanaya ismaamulka Tigreega ayaa sheegaya in maanta barqadii ay ciidamada dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya ayaa duullaanka cirka iyo dhulka ah ku qaadeen magaalooyinka ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka kooxda TPLF.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in dagaalladan dib uga billaawday Itoobiya ay wiiqayaan wadahadalladii Nabadda ee maamulka Abiy Axmed iyo TPLF uga socday dalka Jabuuti islamarkaana ay halis gelinayaan nolosha malaayiin ruux oo xaalad go'doon ah kujira.


Related Items