Taliban oo soo furatay maxbuuskii ugu dambeeyay ee ku jiray xabsiyada Mareykanka.

Monday September 19, 2022 - 19:58:14
Liibaan Jeexoow
Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah lagashay dowladda Mareykanka islamarkaana uu heshiiskaasi dhaqan gal noqday.
20 sano kadib waxaa xoriyaddiisa dib uhelay Xaaji Bishar oo kamid ahaa mas'uuliyiinta Imaarada islaamiga kaasi oo sanaddii 202-dii lagu xiray xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guwantanamo bay.

Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Imaarada ayaa shir jaraa'id ku sheegay in Xaaji Bishar ay ku bedesheen maxbuus katirsanaa ciidamada badda Mareykanka kaasi oo muddo toban sano ka badan ku jiray gacanta imaarada Islaamiga ah.

Waa maxabuuskii ugu dambeeyay oo katirsan Imaarada Islaamiga ee ku jiray gacanta Mareykanka,tani ayaa ka dhigan in dhammaan ahdaaftii imaarada ay meel mareen waxa kaliya ee hadda ay ku howlantahay ayaa ah adkeynta nidaamkeeda Islaamiga ee ka hana qaaday dhammaan ciidda Afghanistan.

Related Items