Weeraro Khasaare lagu gaarsiiyay saraakiil katirsan ciidanka DF oo ka dhacay Baxdo iyo Afgooye.

Monday September 19, 2022 - 15:46:38
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar cusub oo lagu qaaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weerar jidgal ah loo dhigay ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Wannlaweyn.

Ugu yaraan sedax askari oo uu ku jiro taliye horin lagu magacaabo Max'med Siraadh ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Dhinaca kale qarax ka dhacay duleedka deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud waxaa ku dhaawacmay illaa 4 askari oo katirsanaa ciidamada maamulka 'Galmudug.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Maxamed Feerro – Geelle oo ah taliyaha saldhigga Booliska deegaanka Baxdo.

Dhammaan mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Related Items