Yukreyn oo ciidamadeedi Nabad ilaalineed kala baxday dalka Koongada Dimuquraadiga.

Monday September 19, 2022 - 12:30:29
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay Q,Midoobay ayaa lagu sheegay in dowladda Ukraine ay ciidamadeedi qaab nabad ilaalineed ujoogay dalka Congo ay labaxday.
250 askari oo katirsanaa howlgalka UN-ka ee Monusco ayaa dalkoodi dib loogu celiyay waxaana la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan dagaallada lagula jiro ciidamada Ruushka.

Howlgalka Monusco ee dalka Koongada Dimuquraadiga ah ayaa ku howlgelayay illaa 8 diyaarado helicopters ah.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Koongo ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay ciidanka Ukraine uga baxeen bariga wadanka halkaas oo ay colaad ka hurinayaan kooxo fallaago mucaarad ah.

Related Items