CIA : Shiinuhu wuxuu doonayaa in Taiwan uu xoog kula wareego sanadka 2027-ka.

Sunday September 18, 2022 - 16:31:40
Liibaan Jeexoow
Jaziirad u ekaha Taiwan ayaa ah dal madax banaan, balse dowladda Shiinaha tilmaamto inuu iyada taabacsanyahay, ayna dagaal ka xigto in Tiawan uu xiriir madax banaan la yeesho caalamka, xiisadda dhawaan ka dhex dhalatay Shiinaha iyo Maraykanka ayaan soo bilaabatay markii haweeneyda masulka ah golaha Congreska Maraykanka ay booqasho rasmi ah ku tagtay Taiwan.
Dowladda Shiinaha oo sheegta iney heysato mid kamdi ah ciidamada ugu tirada badan adduunka ayaa tilmaamtey inaaney sinaba uga leexan doonin ilaalinta midnimada dalkeeda, haddii xitaa taasi ay keento in dagaal milliteri oo toos ah y gasho, dhanka Tiawan oo taageero ka heleysa Maraykanka iyo reer galbeedka waxay Iyana marar badan sheegtay iney tahay dal madax banaan, oo aaney taabacsaneyn dowladda Shiinaha, sidaas dateed haddii weerar lagu so qaado ay is dfiaaci doonto.

Warbixin cusub oo kasoo baxday CIA-da Maraykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Shiinaha ay go’aansatay in 5 sano kadib ay awood milliteri ku maqanuuniso Taiwan, iyadoo awood adeegsaneysa ay ka dhigto gobol hoostaga Bakiin.

Shabakadda CNN ee Maraykanka laga leeyahay ayaa baahisay warbixin ay kasoo xiganeyso sirdoonka Maraykanka CIA-da oo tilmaameysa in ciidamada Shiinaha ay wadaan diyaar garow la xiriira in marka la gaaro sanadka 2027-da ay Taiwan ku duulaan, kana dhigaan gobol ku hoosjiro gacanta dowladda Shiinaha, caasimadda Bakiinna ka amar qaata.

Taliye ku xigeenka CIA-da Maraykanka ninka lagu magacaabo Dacid Kohin ayaa isagoo shir kaga qeybgalaya gobolka Maryaland ee dalka Maraykanka wuxuu tilmaamay iney hayaan xogo rasmi ah oo tilmaamaya in madaxweynaha dalka Shiinaha uu ku wargeliyay ciidankiisa iney diyaar garoobaan sidii shan sano kadib ay Tiawan u hoos keeni lahaayeen Shiinaha.

" Xogaha aan heyno iyo waxaan ognahay waxay tilmaamayaan in madaxweynaha Shiinaha uu milliteriga dalkiisa ku wargeliyay in marka la gaaro sanadka 2017-da ay qasab ku tahay iney iyagoo adeegsanaya awood milliteri Taiwan hoos keenaan dalka Shiinaha” ayuu yiri taliye ku xigeenka sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA-da.

Isagoo sii hadlaya sarkaalkan ameerikaanka ah wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda sida muuqata aanu madaxweynaha Shiinaha go’aansan inuu tallaabadaas qaado, keliyana uu u diyaar garoobayo haddii uu u baahado in tallaabo noocaas ah ku dhaqaaqo.

" qiimeynteena waxay tahay in weli madaxweynaha Shiinaha aanu qaadan go’aan la xiriira in shan sano kadib uu si toos ah ugu duulo Taiwan, laakiin wuxuu sameynayaa diyaar garow buuxa, si haddii uu u baahdo inuu talaabadaas qaado ay ciidankiisu u fuliyaan” ayuu yiri Kohin taliye ku xigeenka sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Dowladda Maraykanka waxay rumeysantahay in Shiinaha uu wax badan ka baranayo duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, ayna doonayaan iney si fiican uga faa’ideystaan duruusta ay halkaas ka helaan, si ay uga saacido haddii ay damcaan iney duulaan milliteri ku qaadaan Taiwan.

Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa xaaliyan sida ay tilmaameyso CIA-da Maraykanak wuxuu ku dadaalayaa inuu adeegsado asaaliib aan milliteri ahayn, si Taiwan uu uga dhigo gobol taabacsan dalka Shiinaha, laakiin taasi kama reebeyso inuu ku dhaqaaqo diyaar garow milliteri, maadaama ay dhici karto in si lama filaan ah uu dagaal ku billowdo, xilli weliba Taiwan ay heleyso taageero milliteri oo uga imaaneysa Maraykanka iyo xulafadiisa.

" Isha ayaan ku heynaa sida ay Shiinuhu uga faa’ideysanayaan duruusta ay kala soo dhex baxayaan dagaalka Ukraine, waxay aad ugu kuur galayaan sida ciidamada Ruushku u galeen dagaalka, sida reer Ukraine uga hor yimaadeen iyo saameynta arinkaas ku yeelan karto qorshayaashooda mustaqbalka” ayuu leeyahay David Kohin taliye ku xigeenka CIA-da Maraykanka oo ka hadlayay shir ka ka dhacay gobolka Maryland ee dalka Maraykanka.

Dhawaan waxay dowladda Shiinaha si kulul u cambaareysay tallaabada dowladda Maraykanka ay taageero milliteri ugu direyso Taiwan, iyadoona Shiinaha tallaabdaas ku tilmaamtey in fariimo khaldan ay siineyso " kooxaha gooni u goosadka” oo ay ula jeedo maamulka Taiwan.

Inkastoo dowladda Shiinaha illaa iyo hadda aaney si rasmi ah ugu dhawaaqin duulaan milliteri oo ay ku qaado Taiwan hadana waxay si cad u sheegtaa iney Taiwan ka tirsantahay jamhuuriyadda Shiinaha, waxaana jira 5 asbaabood oo keeneysa in Shiinuhu ku dadaalo in jaziiradan uu maquuniyo, kana dhigo gobol katirsan dalkiisa.

Dowladda Shiinaha waxay dooneyso in dhamaan dadka ku hadla luuqadda Shiinaha ay hal dowladood ku mideyso, Taiwan dadka ku nool ayaana waxay ku hadlaan luuqadda looga hadlo Shiinaha intiisa kale, xisbiga talada haya ayaana xaaladda Taiwan u arka iney tahay mushkilad daakhili ah, oo aaney marnaba habooneyn in dowlad kale ay faragelin ku sameyso.

Sababta labaad ee ay dowladda Shiinaha u dooneyso iney Taiwan kusoo darto dalkeeda, waa iyadoo dooneysa iney kala furfurto xulafada iyo gaashaanbuurta Maraykanka. Shiinaha hadda jira lama mid ahan jamhuuriyaddii Shiinaha ee jirtey 1949-kii, taasoo xooga saartey horumarka xaga dhaqaalaha, oo u horseeday iney kamid noqoto dowladaha ugu awooda badan caalamka, tartan muuqdana kula jira Maraykanka.

Hase ahaatee hanqal taaga la xiriira xaga heymada iyo awoodda ee ay dooneyso dowladda Shiinaha iney xaqiijiso waxaa hortaagan juqraafiyadda mandiqadda badda Shiinaha, iyo sidoo kale iyadoo aaney xiriir wanaagsan la lahayn dowladaha ay deriska yihiin, kuwasoo ku xirtey reer galbeedka.

Shiinaha wuxuu kaloo ku doonayaa in Taiwan kusoo daro dalkiisa, isagoo raba inuu Meesha ka saaro wujuudka Maraykanka ee mandiqadda, Haddii ay dhacdo in Taiwan ay ku biirto Shiinaha, waxay ciidamada Shiinaha awood u lahaan doonaan inuu ka hortago awoodda Maraykanka ee mandiqadda, sidoo kalena isbaheysiyada Maraykanka uu la leeyahay qaar kamid ah dowladaha gobolka ayaa hoos u dhici doonaa, tusaale haddii aaney awoodin ciidanka Maraykanku inuu u gurmado Japan waa xaqiiq inuusan sii jiri doonin iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Japan, oo ugu yaraan Japan waxay ku qasbanaan doontaa iney heshiis milliteri la gaarto Shiinaha.

Sababta afaraad ee Shiinaha ku riixeysa inuu dadaal ku bixiyo ama uu u dagaallamo in Taiwan uu is hoos geeyo waxay tahay isagoo arinkaas ka leh dano dhaqaale oo la xiriira xaga gobolka iyo xitaa badda, maxaa yeeley haddii Taiwan uu noqdo gobol katirsan Shiinaha waxaa kordhi doona awoooda dhaqaale ee Shiinaha, iyadoo awood u yeelan doonta iney xanibaadyo kusoo rogto maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee mara marinka Taiwan.

Ugu dambeyntii, haddii Shiinuhu ku guuleysto la wareegitaanka Taiwan oo uu dalkaas noqdo gobol katirsan Bakiil, waxay dowladda Shiinaha heli doontaa ilo dhaqaale oo baaxad leh, maxaa yeeley Taiwan waxa laga helayaa 63% qalabyada loo adeegsado farsameynta Electoroniga sida Teleefannada, Sollarada iyo wixii lamid ah, taasina waa shaki la’aan iney tahay il dhaqaale oo horleh.

 

Related Items