Waa maxay tallaabada xigta ee Ruushku qaadi doono mar haddii lagu jebiyay dagaalka Yukreyn? [Warbixin].

Sunday September 18, 2022 - 16:26:27
Liibaan Jeexoow
Dowladda Maraykanka ee uu hogaamiyo Joe Biden ayaa diiday in Ukraine ay siiso sawaariikhda ridada dheer ee garaacaya boqollaal kiilomter, cabsi ay ka qabto in Ruushku caroodo, tallaabo aan ka fiirsi lahaynna uu qaado, haddii Maraykanku Ukraine siiyo sawaariikhda noocaas ah.
Shabakadda Maraykanka ee NBC ayaa iyadoo soo xiganeyso ilo xog ogaal ah oo katirsan dowladda Maraykanka waxay baahisay in Maraykanku dib u dhigay in Ukraine loo diro sawaariikhda garaacaya masaafo dhan 300 kiilomter, cabsi laga qabo in arinkaas uu horseedo in Ruushku qaado tallaabo halis gelin karta amniga caalamiga ah.

Masuuliyiinta Ameerikaanka ah ayaa muujiyay cabsida la xiriirta in Ukraine haddii ay hesho sawaariikhda noocaas ah ay ku garaacdo gudaha dalka Ruushka, taasoo keeni karta in Ruushku bixiyo jawaabo aan ka fiirsi lahyan oo gogol xaar u noqon karta dagaal culus oo aan la mahdin oo dhexmara awoodaha milltieri ee isku heysta dunida.

Xubanaha Congreska Maraykanka ee matala Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa soo jeediyay in Ukraine la siiyo hub weliba oo ay u baahantahay, si ay u damaanad qaado iska celinta Ruushka, hase ahaatee saraakiisha militeriga Maraykanka iyo kuwa Sirdoonka ayaa Biden kula taliyay inuu dib u dhigo in sawaariikhda ridada dheer xilligan lagu wareejiyo dalka Ukraine.

Maamulka Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa tilmaamay in xilligan la joogo aaney Ukraine u baahaneyn sawaariikhda ridada dheer, kuwa gaagaaban ee horey loo siiyeyna ay ku filantahay iney isaga caabiyaan ciidamada Ruushka ee dalkooda duulaanka ku jooga.

Dowladda Ruushka waxay dhankeeda ka digtay in Maraykanku sawaariikh rida dheer uu siiyo dalka Ukraine, taasoo ay ku tilmaamtey haddii ay dhacdo iney muujineyso in Maraykanku dagal toos ah kula jiro Ruushka, dhankoodana ay bixin doonaan jawaabta ku haboon.

Haweeney u hadashey wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa tilmaamtey in haddii Maraykanku siiyo Ukraine sawaariikhda ridada dheer ay ka dhigantahay in Washington ay kasoo tallaabtey Khadka cas, daraf toos ahna ka tahay dagaalka ka dhanka ah Ruushka.

Dowladda Marakank ayaa taageero milliteri oo toos ah waxay la garab taagantahay dowladda Ukraine, taasoo wajaheysa dagaal culus oo muda lix bilood ah kual jirto ciidamada Ruushka ee dalkeeda kusoo duuley, maamulka Biden ayaana dhawaan ku dhawaaqay taageero milliteri oo horleh, taasoo ku kaceysa adduun lacageed oo gaaraya 600 milyan dollar, isugna jira sawaariikh iyo qalabyo milliteri oo kale.

Websiteka Bolotico ayaa baahiyay warbixin ku saabsan in Kiev ay si joogta ah oo xiriir ah ugala hadleyso Washington in lasiiyo sawaariikhda ridada dheer, taasoo ay u aragto iney isbedel muuda ku keeni karto dagaalka ka socda Ukraine.

Codsiyada Ukraine oo markii hore ahaa kuwa banaanka yaala, warbaahinta la mariyo ayaa hadda isku bedeley kuwa si qarsoodi ah lagu gudbiyo, waxaana socda wadahadallo xoogan oo dhexmaraya Maraykanka iyo Ukraine, oo ku aadan sidii Ukraine lagu siin lahaa sawaariikh casri ah.

Dowladda Ukraine ayaa soo jeedineysa in la siiyo sawaariikhda Batriyot, diyaaradaha F16 iyo noocyo kale oo casri ah, waana maalgelin muda dheer soconeysa oo ay Ukraine ku dooneyso iney ku hesho taageerada dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa tilmaamay in Ruushku gumaad ka geystey magaalooyinka dalka Ukraine ee dhawaan laga saarey ciidamada Ruushka, dowladaha caalamakana la gudboontahay in Ukraine ay siiyaan hub casri ah, si buu yiri ay u damaanad qaadaan in Ruushka ay ka xureeyaan dalka Ukraine.

Wasiirka arimaha dibadda ee Ukraine, wuxuu dhankiisa sheegay in hubka ay ka sugayaan dowladaha caalamka oo ay ugu horeyso Maraykanka ay ku xiranyihiin habsami socodka dagaalka ay kaga jiraan dalka Ukraine, haddii si deg deg ah loo helana ay filayaan natiijooyin wax ku ool ah iney ka gaaraan dagaalka ka dhanka ah Ruushka.

Masuul katirsan golaha amniga qaranka ee Maraykanka ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in Maraykanka uu sii wadi doono taageerarada milliteri ee ay siineyso Ukraine, si xukuumadda kiev ay ugu guuleysto fagaaraha dagaalka iyo miiska wadhadallada.

Dhinac kale, markii ugu horeysay madaxweynaha Ruushka ayaa ka hadlay guul daradii ciidankiisa kasoo gaarey dagaalka ay kaga jiraan Ukraine, isagoo ka qeybgalayay kulan ka dhacay magaalada Samarqand ee dalka Uzbakistaan oo ay yeesheen dowldaha xubnaha ka ah ururka iskaashiga caalamiga ee Shanghai ayuu Butin sheegay in dowladiisu ay bixi doonto jawaab culus, haddii cadaadis horleh la saaro ciidankiisa jooga dalka Ukraine.

Isagoo qosol gariiraya, dhoolacadeyn siyaasadeed oo dagaalka nafsiga kamid ahna bixinaya ayuu Butin yiri " maamulka Kiev wuxuu sheegay iney wadaan howlgallo waaweyn oo ay dib ugu qabsanayaan dalka, hagaag aynu aragno sida ay kusii socdaan howlgalladaas iyo natiijada ay keeni doonaa”.
Markale Butin wuxuu difaacay duulaanka uu dalkiisu ku qaaday Ukraine 24-ki Febraayo, isagoona sheegay in loo qaaday iyadoo laga hortagayo tallaabo ay reer galbeedku ku doonayeen iney ku kala qeybiyaan dalka Ruushka.

Dhinac kale, dowladda Ukraine waxay tilmaamtey in qubuur wadareedyo ay ku aasanyihiin meydad badan laga heley magaalooyinkii dhawaan ay isaga baxeen ciidamada Ruushka ee ku yaala bariga dalka.

Magaalada IZium ee xarunta gobolka Kharkiif ayaa laga heley qubuur wadareed ay ku aasanyihiin ugu yaraan 500 oo ruux, madaxweynaha Ukraine ayaana sheegay in arinkaasi uu yahay fal dembiyeed caalami ah, ayna sameyn doonaan baaritaanno caalami ah.

Ruushka dhankooda waxay beeniyeen in ciidankooda wax gumaad ah ay ka geysteen gudaha dalka Ukraine, gaar ahaan magaalooyinkii dhawaan ciidankooda ay dib uga soo baxeen.

Maraykanka ayaa dhankiisa cambaareeyay wararka la xiriira in Ruuskhu gumaaday dad badan oo Ukraine u dhashey, wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka ayaana tilmaamay iney soo gaartey warbixinno argagax badan, sida uu hadalka u dhigay oo tilmaameysa in qubuur wadareedyo horleh laga heley dalka Ukraine, gaar ahaan magaalooyinka laga saarey ciidamada Ruushka.

Marka laga hadlo howlgallada militeri ee ka socda dalka Ukraine, dhinaca koonfureed ayaa waxaa ka soconaya dagaallo culus oo ay wadaan ciidamada Ukraine, kuwaasoo doonaya iney la wareegaan magaalooyin ay kamid tahay Khersoon.

Dhanka barigana, qarax xoogan ayaa lagu dilay xeer ilaaliyihii guud ee maamulka gooni iskutaaaga ee taabacsan Ruushka ee magaalada Logansk, waxaana lala dilay xaaskiisa, qaraxuna waxaa uu haleley xilli ay ku sugnaayeen xafiiska shaqada.

Related Items