William Ruto oo aqoonsigii kala noqday Jamhuuriyaddii Saxaraha.

Sunday September 18, 2022 - 11:18:13
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha cusub ee loo doortey Kenya William Ruto ayaa shaley arbacadii qalinka ku duugey in uu kala laabtey aqoonsigii Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Carabta ee Saxaraha (SADR). Gobolkan oo ku yaalla Koonfurta Marooko ayaa ka go'ay wakhti hore inkasta oo aaney Marooko marnaba aqbalin.
Sahrawi Arab Democratic Republic(SADR) ayaa haysatey xubinnimada ururka Midawga Africa illaa 1982-kii taas oo ku sababtey waddanka Marooko in ay gebi ahaanba lumiyaan/iska casilaan xubinnimadii ururkaas, illaa iyo sannadkii 2017 oo ay dib ugu soo laabteen.

Ruto ayaa ah waddankii koobaad ee Afrikaan ah isla markaana ku dhiirrada go’aankaas iyada oo ay ugu wacan tahay Diblomaasiyadda Bacrimiyeyaasha.
Fertilizer Diplomacy.

Ruto oo ka soo jeeda sida la sheego dabaqadda faqiirka ah ee Kenya ayaa mar uu wareysi bixiyeyna sheegay in uu kabo la’aan dugsiga ku aadi jirey. Ruto ayaa sidoo kale ololihiisii ku galey in uu dadka beeralayda ah ee reer Kenya u keeni doono bacrimiyeyaal(fertilizers) jaban. Dawladda Marooko ayaana noqotey midda u fulin doonta dalabkaas.

Caqabad soo taxnayd muddo badan oo Marooko ka haysatay dawladda gooni goostada SADR ayaa u muuqata mid soo afjarmi doonto. Inkasta oo Midawga Africa uu rabey in goosashadoodu ay ku meelmarin karaan afti dadweyne haddana dawladda Mareykanka ayaa iyadu dhankeeda caddaysay in ay taageersan tahay Marooko mid ah.

Dhanka kale xukuumaddii uu hoggaamin jirey Uhuru Kenyatta ayaa mawqifkeedu ahaa taageeridda madaxbannaanida SADR.

Haddaba dad badan ayaa isweydiinaya Ruto muxuu ka yeeli doonaa ‘Somaliland’ oo xukuumaddii isaga ka horraysay ay ula dhaqmi jirtey sidii dawlad lamid ah Somalia. Uhuru Kenyatta iyo dhigiisii Farmaajo ayaa khilaaf xooggani ka dhexeeyay taas oo sababtey in DF Somalia ay joojisey qaadkii miirooga ahaa ee iman jirey koonfurta, halka Xasan Sheekh uu u fasaxay Ruto.

 

Related Items