Diyaaradaha Maraykanka oo duqayn ku dilay Nabadoon caan ka ahaa Hiiraan.

Friday September 16, 2022 - 23:45:24
MeMo Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay duqayn ka gaysteen galbeedka magaalada Baladweyne halkaas oo ay ku dileen nabadoon caan ah iyo dad shacab ah oo la socday.
Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyay gaari nooca loo yaqaano Baraada kaas oo uu saarnaa nabadoon Yuusuf Fiidoow oo ahaa nabadoonka Jufada Maamiye ee beesha Baadicadde. Nabadoonka iyo dadka shacabka ah ee la dhintay ayaa kasoo safray degmada Baladweyne waxaana ay uu usoo socdeen degmada Buq-Aqable ee isla gobolka Hiiraan.

Duqaynta Maraykanka oo dhacday waxyar Salaadii Cishaha kahor ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanada Samatare iyo Aqabadeey ee galbeedka Baladweyne. Waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay Nabadoon Yuusf Fiidoow iyo wiil uu dhalay, waxaana kaloo ku dhintay nabadoon labaad oo la socday gaariga, halka uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadkii gaariga la saarnaa nabadoonka

Dadka deegaanka oo la hadlay Shabakada wararka SOMALIMEMO ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay maanta gelinkii dambe oo dhan ku dul heehaabayeen deegaanka.

"Gaari Baraado ah oo ka yimid dhanka Baladweyne ayaa noo dhaafay dhinaca Buq-Aqable, wax yar kadib waxaan maqalnay jug weyn oo ka dhacday dhinicii uu gaarigu noo dhaafay. Markii aan goobta nimid waxaan aragnay gaarigii oo burburay iyo dadkii saarnaa oo saddex kamid ah ay dhinteen, mid kalena uu dhaawac halis ah noqday" Sidaas waxaa SOMALIMEMO u sheegay goobjooge ku sugan halka ay duqayntu ka dhacday.

Dhawaan ayay ahayd markii Diyaaradaha Maraykanku ay todobo qofood oo shacab ah ku dileen duqayn ay ka gaysteen deegaanka Mubaarak ee Shabeellada Hoose.

Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ku hanjabay inay jiri doonaan duqaymo laga fuliyo deegaanada ay maamulaan Xarakada Al-Shabaab, taas oo uu muuqata inay hordhac u tahay xasuuq ay diyaaradaha Maraykanku ka gaysan doonaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related Items