Ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyey in ciidamadaas ay dib ugu soo noqdeen degmada Buulaburte iyagoo wata meydad, dhaawacyo,iyo gaadiidkii looga burburiyey dagaalka.
Ciidanka Bankrupt waxaa dagaalkii xaley looga dilay 10 askari, halka laga dhaawacay ugu yaraan 15 kale, waxaana sidoo kale laga burburiyey gaari nooca dagaalka ah oo uu qarax xoogani haleelay.
Gaariga laga qarxiyey iyo mid kale ee rogmaday intii uu dagaalku socday ayaa iyagoo burbursan lagu soo celiyey degmada Buulaburte.
Dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyey laba diyaaradood oo helicopters ah ay kusoo degeen garoonka diyaaradhaa ee Buula-burte lana arkayey gaadiid ambalaas ah oo kusii socda dhanka garoonka.
Ciidamada xalay lagu jebiyay duleedka Buula Barde ayaa ahaa kuwii laba habeen kahor kasoo baxay degmada Jawhar, kuwaas oo kharibaad iyo burburin u gaystay isbitaalkii deegaanka Shaw iyo ceel biyoodkii bulshada Muslimiinta ah ka waraabi jireen ee ku yaalay tuulada Wardeen.