Foreign Policy: Maraykanku waa inuu joojiyaa dhagaraha naftiisa marka laga hadlayo halista Al-Qaacidda.

Tuesday September 13, 2022 - 18:34:38
Liibaan Jeexoow
Shabkadda Foreign Policy ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa daabacday maqaal ku saabsan halista Al-Qaacida ay weli ku heyso amniga Maraykanka iyo muwaadiniintiisa, 21 sano kadib weeraradii waaweynaa ee 11 Septembar ee lagu dilay 6000 oo ruux oo Ameerikaan ah.
Maqaalkan oo ay si wadajir ah u qoreen la taliyihii hore ee amniga qaranka dalka Maraykanka ninka lagu magacaabo Atish Ar Makmaster, hadana ah bare ka howlgala machadka Hofer ee jaamacadda Stanford, iyo Bardly Bowman oo masuul ah waaxda d milliteriga ee mu’assaada difaaca Dimuqraadiyadda ee Maraykanka ayay ku sheegeen in 21 sano kadib weli ay Al-Qaacida halis ku hesyo amniga dalka Maraykanka, mar welibana ay wado isku dayo ay ku dooneyso iney ku abaabusho weeraro lagu beegsado masaalixda Maraykanka ee ku firirsan dunida.

" Maraykanku waa inuu joojiyaa wahmiga iyo wax iska dhaadhicinta aanu waxba kajirin, marka laga hadlayo cadowgiisa oo ah Al-Qaacida” ayaa lagu yiri maqaalkan lagu daabacay majalallada Foreign Policy ee kasoo baxda dalka Maraykanka.

" 21 sano kadib weeraradii 11 Septembar ee geystey khasaaraha ba’an, Al-Qaacidana kasoo abaabushey dalka Afqaanistaan waxaa jira isbedel weyn oo wax weliba ku yimid, tan iyo markii uu Maraykanku kaga soo baxay qaabkii musiibada ahayd dalka Afqaanistaan, taladana ay la wareegtey Taliban waxay markale gabaad iyo hooyba siiyeen Al-Qaacida, si lamid ah sidaba ay u siiyeen waagii AlQaacida ay diyaarineysa weeraradii ka dhacay gudaha dalka Maraykanka” ayay yiraahdeen masuuliyiintan Ameerikaanka ah ee qorey maqaalka lagu daabacay majallada Foreign Policy.

Marka laga hadlo duulaankii Maraykanku ku qaaday dalka Afqaanistaan iyo natiijada uu dhalay, waxay masuuliyiinta Ameerikaanka ah tilmaameen in keliya laga dhaxlay murugo lagu keydiyo kutubta taariikhda, Maraykankana Afqaanistaan kadib uu hadda wajahayo taxadiyaad kale oo culus oo ku qasbeysa inuu xooga saaro.

" Laakiin wax weliba kama foga xaqiiqada, halisada hadda ka imaaneysa Afqaanistaan waa sideeda, in la waajaho wahmiga iyo mala awaalka ay qabaan madaxda Maraykanka ayaana horseedi kara in siyaasadda Maraykanka ee dibadda ay wajahdo masaa’ib weyn oo kaga timaada cadowga Maraykanka” ayay leeyihiin labada nin ee qorey maqaalka oo kala ah la taliyihii hore ee amniga qaranka dalka Maraykanka ninka lagu magacaabo Atish Ar Makmaster, hadana ah bare ka howlgala machadka Hofer ee jaamacadda Stanford, iyo Bardly Bowman oo masuul ah waaxda d milliteriga ee mu’assaada difaaca Dimuqraadiyadda ee Maraykanka.

Tusaalooyinka muujinaya mala awaalka madaxda dalka Maraykanka iyo iney naftooda khiyaamaan waxay tusaale ahaan ugu soo qaateen qorayaasha maqaalka hadallo uu jeediyay madaxweynaha iminka haya talada dalka Maraykanka ee Joe Biden.

" Si aad u aragto cudurka halista ah ee nafta lagu khiyaamayo, waa inaad eegtaa hadalka uu yiri Joe Biden madaxweynaha Maraykanka Ogosto 2021-da wuxuu yiri " wax maslaxd ah oo inoogu jirto inaan sii joogno Afqaanistaan ma jirto, maadaama AlQaacida ay dalkaas isaga guurtey”. Isagoo marmarsiyo u raadinaya go’aanka uu kaga soo baxay Afqanistaan wuxuu hadalkiisa sii raaciyay " Waxaan Afqaanistaan u aaday hal hadaf oo cad, kaasoo ah inaan ka takhalusno AlQaacidada joogtey Afqaanistaan, arinkaasna waan ku guuleysanay”.

Siyaasiyiinta Ameerikaanka ee qorey maqaalka ayaa hadalladaas uu jeediyay Biden ku tilmaamay waxba kama jiraan ka fog xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Afqaanistaan waxayna leeyihiin " mushkiladdu waxay tahay in warkaas uu sheegayo Biden uu yahay mid aan dhab ahayn, Taalibaan waxay AlQaacida siisay gabaad iyo hooy kahor weeraradii 11 Septembar, labada xarakana waxay isku xiranyihiin tan iyo amrkaas, Qaramada Midoobay ayaana warbixin ay soo saartey April 2021-da waxay ku sheegtay in AlQaacida iyo Taliban ay weli yihiin xulafo isku xiran, lana heynin calaamado iyo astaamo muujinaya iney kala go’een ama uu xiriirkooda burburey”. Ayay leeyihiin la taliyihii hore ee amniga qaranka dalka Maraykanka ninka lagu magacaabo Atish Ar Makmaster, hadana ah bare ka howlgala machadka Hofer ee jaamacadda Stanford, iyo Bardly Bowman oo masuul ah waaxda d milliteriga ee mu’assaada difaaca Dimuqraadiyadda ee Maraykanka.

Waxay ku doodayaan labada nine e Ameerikaanka ah aadna u dhaliilsan siyaasadda Biden ee la xiriirta dagaalka Mujaahidiinta inaaney marnaba suuragal ahayn in duqeyn meel ka dhacday ay soo afjarto halista ka imaaneysa Al-Qaacida, dhibaatada ugu weyn ee Maraykanka heystana ay iminka tahay in naftooda ay been isku sheegayaan, Qaramada Midoobay ayayna sheegeen iney ka dhiiranaan badantahay Maraykanka oo ay sheegtay arin uu Maraykanku ka gaabsaday oo la xiriira in AlQaacida iyo Imaarada islaamiga ah yihiin dad isku xiran oo xiriir wanaagsan leh.

Wahmiga iyo mala awaalka ayay tilmaameen qoraayaasha maqaalka oo ah masuuliyiin Ameerikaan ah inuu horseeday in Maraykanku jab xoogan la kulmo, waxay tusaale ahaan usoo qaateen hadal uu sanadkii 2009-ka jeediyay madaxweynihii Maraykanka Obama kaasoo yiri xiilli ciidamo dheeraad ah uu u dirayay Afqaanistaan " waxay ciidamadeenu halkaas soo joogi doonaan 18 bilood, kadibna wadankooda ayay kusoo noqon doonaa, mana jiro xaalad adag iyo dhibaato maalin ku qabsaneysa Afqaanistaan”.

Hadalkaas ayay sheegeen inuu ahaa mid ka fog waaqica, kuna imaanin qiimeyn mowduuci ah oo lagu sameeyay xaalka Afqaanistaan, uuna astaan u ahaa faham xumi iyo wacyi la’aan, taasoo ay sheegeen iney ka faa’ideysteen si wanaagsanna u garteen cadowga Maraykanka oo ay ula jeedaan muslimiinta gaar ahaan Jihaadiyiinta.

Wahmiga iyo mala awaalka masuuliyiinta Ameerikaanka ayaa sii socday sida ay tilmaamayaan qoraayaasha maqaalka, waqtigii uu Trump ku fadhiyay kursiga madaxtnimada ee Aqalka cad wuxuu wadahadal la furey Taalibaan, isagoo u sameeyey tanaazulaad badan, wadahadalladaasna lagama soo qeybgelin xukuumaddii Kaabul, guulo is xig xiga ayayna gaartey Taalibaan, iyadoo xulafadii Maraykanka ay dareemeen in lagu daneystey, wixii xilligan ka dambeeyana aan loo baahneyn adeega ay u hayeen dowladda Maraykanka.

" Taliban iyo AlQaacida waxay hadda heystaan goob aamin ah, marka haddii aanu Maraykanku aanu sii cadaadin jamaacaadka jihaadiga ah, waxa uu filayo waa inuu la kulmaa weeraro horleh oo ka dhaca gudaha dalka, waxa intaas kasii xunna waxay tahay haddii Maraykanku aanu joojin wahmiga iyo riyo soo jeedka uu kujiro in markale shacabka Maraykanka ay fishaan in dowladooda ay ku jabto loolanka ay kula jirto awoodaha waaeweyn sida Shiinaha iyo Ruushka” ayay leeyihiin la taliyihii hore ee amniga qaranka dalka Maraykanka ninka lagu magacaabo Atish Ar Makmaster, hadana ah bare ka howlgala machadka Hofer ee jaamacadda Stanford, iyo Bardly Bowman oo masuul ah waaxda d milliteriga ee mu’assaada difaaca Dimuqraadiyadda ee Maraykanka.

Maqaalkan ay daabacaday majallada Forign Policy ayaa muujinaya rajo beelka ay la noolyihiin madaxda Maraykanka iyo muwaadiniintooda, kuwaasoo 21 sano kadib weeraradii 11 Septembar weli kujira xaalad dagaal, filanayana in mar weliba ay la kulmaan weeraro culus, halak awoodeedii dhaqaale iyo mideedii milliterina noqotey mid baaba’ ah heer ay mareyso in cid weliba ay hadda ku dhiirato Maraykanka, hadii 21 sano kahor laga cabsanayay in la isku taagana ay maanta cid weliba ay dhaliileyso Maraykanka.

Mu’assasada As-Saxaab ayaa maqaal ay baahisay 21 sano kadib weeraradii 11 Septembar waxay kaga hadashey makaastibta iyo natiijooyinka ka dhashey weeraradaas, waxaana inbadan oo lagu sheegey maqaalkaas ka marqaati kacay masuuliyiinta Ameerikaanka ee daabacay maqaalkan.

" Marka aynu ka hadalno makaasibta ay Umadda islaamka ah ka dhaxshey badartii Septembar waxaa kamid ah in cadowga Maraykanka ay gaariisay khasaare weyn, markaan isku fiirino khasaaraha Maraykanka kasoo gaarey duulaannadii 11 Septembar iyo dagalladii horey uu u galay, waxanyu aragnaa iney aad u badanyihiin khasaaraha kasoo gaarey qazwadaas, xaruntii gaashandhiga ee Maraykanku ka hogaaminayay duulaannada ayaa lagu dilay 1000 sarkaal, waana lawada ogyahay sida Maraykanka ay saraakiishaas ugu qaalisanyihiin agtiisa oo ay xitaa uga qiimo badanyihiin tangiyada iyo Nuclearka, sababtoo ah waxay saraakiishaas la dhinten qorshayaashii milliteri iyo khibradihii iyo xogihii ay hayeen, sidaas darteed Maraykanka 20kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu ku jabay Afqaanistaan iyo Ciraaq, dhawaanna Allaah idinkii wuxuu ku jebi doonaa Soomaaliya iyo meelaha kale ee lamidka ah” ayaa lagu yiri maqaalka ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab, kaasoo looga hadlayo weeraradii 11 Setembar oo dhacay maanta oo kale 21 sano kahor.

" Marka laga hadlo xaga dhaqaalaha, badartii Septembar waxay gaariisay dhaqaalaha Maraykanka jab xoogan oo aaney marnaba kabi karin, dowladan iyo xulafadeeda ayaana lugaha la galay mugdi, shacabka hamajiga ee Ameerikaanka ayaana waayay tarafkii iyo tamashelyntiii ay ku noolaayeen rubcu qarni kahor duulaankaas, mid kamid ah astaamaha ka marqaati kacaya dharbaaxada culus ee kudhacday dhaqaalaha Maraykanka waxay tahay sida maanta ay u tuugsanayaan in caruurta Ameerikaanka ah loo helo caana booraha, dhexdoodana uga doodayaan hal litar oo Banzin ah. Dhabtii badartii Septambar waxay kamid tahay xidigaha Umadda islaamka, Ameerikana waxay ku qasabtey iney gasho duulaanno iyo dagaallo aaney diyaar u ahayn, taasoo banaanka soo dhigtay taagdarideeda iyo dacfigeeda” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka.

" Makaasibta iyo natiijooyinka ka dhashey qazwadii Badarta Septembar waxaa kamid ah iney banzin ku shubtey colaada ka dhexeysa Saliibiyiinta, banaankaan waxaa usoo baxay halka uu gaariisanyahay khilaafka dhexdooda ka taagan, Yurubta galbeed ee badankood heystaan madhabta Catholiga, iyo Yurubta bari oo badankood heysta madhabka Orthodoxiska ayaa fursad u heley in Maraykanka heysta madhabka Burtusataha ay kasoo dejiyaan kursiga maamulka dowladaha caalamka, haddii ay Yurub dhaafto fursadanna in weligeed ay dabadhilif liita usii ahaaneyso Maraykanka”.

" Makaasibta badartii Setepmbar waxaa sidoo kale kamid ah in la jebiyay sirdoonkii ugu weynaa adduunka, maadaama 19 faaris oo kamid ah fursaanta Umadda islaamka ay ku guuleysteen iney weeraraan Maraykanka, arinkaas ka abaabulaan gudaha dalkaas, dad badan oo Ameerikaan ah iyo kuwa kale ayaa is weydiiyay waxa dhici lahaa haddii weerarkan ay soo qorsheyn lahaayeen dowlado wawaeyn oo caalamka katirsan ama xitaa ay fulin lahaayeen rag katirsan waxa loogu yeero argagaxisada hase ahaatee heli karo hubka nuclearka ama maadooyin sun ah oo wax gumaada” ayuu leeyaha qoraaga qoray maqaalkan ay baahisay mu’assasada As-Saxaab 21 sano kadib weeraradii waaweynaa ee 11 Septembar.

Related Items