Weerar Gaadiid looga qabsaday ciidamada dowladda oo ka dhacay deegaanka Warmaxan.

Tuesday September 13, 2022 - 12:50:32
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo markale ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Ciidamada wilaayada Islaamiga ayaa saaka aroortii hore weerar jidgal ah udhigay kolonyo gaadiid ah oo ka amba baxay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho kunasii jeeday saldhigga Balidoogle.

Dagaal culus ayaa dhaxmaray ciidamadii gelibinayay gaadiidka Booyadaha ah iyo xoogagga weerarka qaaday, dad ku sugan deegaanka Warmaxan ayaa sheegay in dagaal culus uu labada dhinac dhaxmaray waxaana jira khasaara kala gaaray.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in dagaalka lagu dilay 5 askari oo katirsan ciidamada dowladda halka ay dhaawacyo soo gaareen 7 kale, dadka dhaawacmay waxaa kamid ah madaxii howlgelinta ciidamada degmada Afgooye ninka lagu magacaabo Cali Cagoole.

Ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/hoose ayaa dagaalkii Warmaxan ku qabsaday gaari Hoomeey ah, hal mooti iyo saanado hub ah

Related Items