Kooxda TPLF iyo dowladda Itoobiya oo sheegay in ay heshiis Xabad joojin ah kala saxiixanayaan.

Monday September 12, 2022 - 19:10:33
Liibaan Jeexoow
Kadib ku dhowaad sedax isbuuc oo ay dagaallo culus dhaxmarayeen dhinacyada isku haya dalka Itoobiya ayay ugu dambeyn ku dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin heshiis xabad joojin ah.
Wadanka Jabuuti waxaa ka furmay shir lagu dhax dhaxaadinayo jabhadda hubaysan ee TPLF iyo dowladda Xabashida ee uu madaxda ka yahay Abiy Axmed.

Wadahadalladan oo isbuucii lasoo dhaafay si qarsoodi ah ku billaawday ayaa shalay la shaaciyay, warsaxaafadeed kasoo baxay ururka midowga Afrika ayaa lagu sheegay in wadahadallada ay iyagu garwadeen ka yihiin islamarkaana ujeedku yahay in dhinacyada isku haya itoobiya ay xabad joojin hor leh iclaamiyaan.

Hoggaanka kooxda TPLF ayaa isna sheegay in ay diyaar uyihiin ka qeyb galka wadahadallo nabadeed iyo in loollanka lagusoo afjaro hanaan nabad ah balse waxay shardi ka dhigeen in ciidamada Ereteriya iyo kuwa Itoobiya ay ka baxaan gobolka Tigray islamarkaana lasoo afjaro go'doominta gobolka lagusoo rogay.

Diblumaasi ku sugan wadanka jabuuti oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in mas'uuliyiin American ah ay TPLF iyo dowladda Itoobiya ku cadaadinayaan saxiixidda xabad joojin si fursad loogu helo kala qaadidda ciidamada hardamaya.

Xabad joojinta ay dhinacyadu kala saxiixan doonaan ayaa socan doonta muddo 5 bilood ah waana markii sedaxaad oo dhinacyadu ay xabad joojin uhanqaltaagaan balse waxaa aad u adag in heshiis buuxa laga gaaro dagaalladii laayaanka ahaa ee dhacayay tan iyo sanaddii 2020-kii.

Ka hor intii aysan wufuudda labada dhinac isugu tagin wadanka Jabuuti ayay dagaallo culus ka qarxeen jiidda gobolka Tigray waxayna ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya albaabada u istaageen laba kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Ismaamulka Tigreega kuwaas oo kala ah Shire iyo Shiraaro.

Kooxda TPLF ayaa hakisay taqadumkii ay ka sameynaysay ismaamullada Amxaarada iyo Cafarta halka ciidamada Federaaliga Xabashida ay adkeysteen difaacashada dhowr magaalo oo ay kamid yihiin Weldiya iyo Sekota.

Related Items