6 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Monday September 12, 2022 - 19:00:53
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamada shisheeyaha ATMIS gaar ahaan kuwa Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada hoose.
Wararka ka imaanaya degmada Afmadoow ayaa sheegaya in qarax culus lala helay kolonyo katirsan ciidamada melleteriga dowladda Kenya xilli ay dhaq dhaqaaq ka wadeen duleedka degmadasaasi.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa ay ku dhinteen 6 katirsan ciidamada difaaca Kenya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan KDF.

Wararka ayaa intaas ku daraya in illaa 3 askari Kenyaanti ah ay ku dhaawacmeen qaraxa, dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaarad nuuca qumaatiga ukaca ay kusoo degtay goobta uu weerarku ka dhacay.

Related Items

Update cookies preferences