Maxkamadda Sare ee Kenya oo ku dhawaaqday in Ruto uu yahay madaxweynaha rasmiga ah.

Monday September 05, 2022 - 14:34:30
Liibaan Jeexoow
Waxaa soo gaba gaboobay dooddii ay garsoorayaasha ugu sarreeya dalka Kenya ka yeelanayeen sida laga yeelayo doorashadii madaxtinimada ee dhacday bishii lasoo dhaafay.
Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay taageertay go'aankii guddiga doorashooyinka ee guusha siinayay William Ruto.

Haweenay u hadasha maxkamadda sare ayaa sheegtay in Ruto uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Kenya iyadoona waxba kama jiraan kasoo qaadday dacwadihii uu maxkamadda ugudbiyay Raila Odinga.

"Kani waa go’aan loo dhan yahay,dhammaan codsiyadii kale waa la laalay sidaas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin ah in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay,” ayay tiri Martha Koome oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare.

Dacwadaha uu ku doodayay Odinga waxaa kamid ahaa in ay cilladoobeen qaar kamid ah qalabkii lagu codeynayay iyo in 4 kamid ah guddiga doorashada ay dhan ujanjeereen.

Tobanaan kun oo kamid ah taageerayaasha Raila Odinga ayaa taagan waddooyinka magaalada Nairobi iyagoo kasoo horjeestay go'aanka maxkamadda ee guusha siinaya William Ruto.

Related Items