In ka badan 20 Macawiisleey ah oo lagu dilay deegaan katirsan Hiiraan (Xog Muhiim ah).

Saturday September 03, 2022 - 10:30:16
Liibaan Jeexoow
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa hawlgal xalay ciidamada Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan ka fuliyeen deegaanka Afar-irdood ee u dhexeeya degmooyinka Baladweyne iyo Maxaas.
Hawlgalka ayaa sida aan ka soo xiganay saraakiisha ciidamada Al-Shabaab ee Wilaayada Hiiraan waxaa lala beegsaday gaadiid ka soo baxay degmada Baladweyne, kaas oo sahay iyo saanado u waday maleeshiyaatka loogu yeero Macawiisleeyda ee colaada ka wada qaybo kamid ah wilaayada.

Inta la xaqiijiyay 20 kamid ah maleeshiyadii Macawiislayda iyo xubnihii gurmadka u waday ayaa goobta lagu dilay, waxaa sidoo kale la gubay 8 kamid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadiidkiina ay gacanta u galeen ciidamada Al-Shabaab.

Maleeshiyaatka loogu yeero Macawiislayda ayaa ah maleeshiyo beeleed ay deegaanka ka abaabuleen madaxda iyo siyaasiyiinta DF iyo maamulka Hirshabelle si ay ammaan darro ka dhan ah Xarakada uga abuuraan deegaanadooda, isla markaana maamulladaas ku gacan siiyaan la dagaalanka Shareecada Islaamka.

Dhawaan ayay ahayd markii mid kamid ah xildhibaanada DF uu xaqiijiyay in Macawiislaydu yihiin maleeshiyaat uu abaabulkooda iska lahaa Cali Jayte Cismaan, gudoomiyaha maamulka Hirshabelle ugu magacaaban gobolka Hiiraan.

"Ciidankaan Macawiisleeyda la yiraahdo ninka guryahooda kasoo saaray Cali Jayte waaye, Ninka reerkaan dagaalka reer ahaan usoo geliyay waa isaga" ayuu yiri xildhibaanka Maxamad Cabdu qaadir.

Madaxda DF iyo siyaasiyiinta xil raadiska ah ayaa inta badan colaado ka kiciya deegaanada ay reer ahaan ka soo jeedaan, iyagoo inta badan iska horkeena qabiillada deegaanka, ama maleeshiyo-beeleed ay soo abaabuleen ka horkeena maamullada Islaamiga ah ee deegaanadaas ka taliya, iyagoo ugu dambayntiina uga dhuumanaya boholadii dagaalka ee ay ku rideen si ay kaligood u gurtaan caaqibada xun ee ka dhalatay ficilkooda qar iska xoornimada ah.

Related Items