Garsoorayaasha maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa bilaabay dhageysiga dacwadaha ka dhashay murunka doorashooyinka oo ay gudbiyeen musharrixiintii ku tartamay doorashadii dhowaan dhacday.
Go'aan kasoo baxay maxkamadda sare ayaa Raila Odinga loogu ogolaaday in uu dib u eegis ku sameyn karo qaar kamid ah qalabkii doorashada oo laga shakiyay in uu cilladoobay.
Sidoo kale maxkamadda ayaa diidday codsi ka yimid Wilam Ruto oo ahaa in dhageysiga dacwadda aan laga qeyb gelin qareennada madaxa banaan.
Lama oga go'aanka ay maxkamaddu kasoo saari doonto murunka doorashada balse waxaa laga cabsi qabaa in haddii guusha loo saxiixo Ruto ay dalka rabshado hareeyaan.