Dagaallo ay ku dhinteen Labaatameeyo qof oo ka dhacay Galguduud.

Monday August 29, 2022 - 11:01:14
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaal beeleed dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Ugu yaraan 18 qof ayaa dhintay 30 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay laba maleeshiyo beeleed ku dagaallameen duleedka deegaanka Dhabbad ee gobolka Galguduud.

Odayaal dhaqameedyo ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay ku baxeen maleeshiyaadka dagaallamaya, isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dagaallo ka dhacay isla mandiqaddan ay ku dhinteen dad shacab ah.

Maamulka isku magacaabay 'Galmudug' oo gacanta ku haya deegaannada lagu dagaallamayo ayaan wax dadaal ah ku bixin heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee is dilaya.

Related Items