Dagaalkii Muqdisho oo maalinkii labaad galay iyo Shabab oo weli haysta Hotel Xayaat.

Saturday August 20, 2022 - 06:15:07
MeMo Staff
Waxaa maalintii labaad galay dagaal culus oo ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada DF iyo dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin.
Dagaalka oo ilaa hada socda muddo ka badan 12 saacadood ayaa ka socda gudaha Hoteel Xayaat, halkaas oo ay deganaayeen saraakiil, siyaasiyiin iyo madax ka tirsan DF.

Wararka aan ka heleyno goobta dagaalka ayaa xaqiijinaya in ciidamada DF ay tiro 9 jeer ka badan isku dayeen inay gudaha usoo galaan hoteelka, balse ay arinkaas ku fashilmeen kadib markii ay iskacaabin xooggan kala kulmeen dagaalyahanada difaaca kaga jira hoteelka.

Ciidamada ayaa hoteelka ku garaacay madaafiic aad u culus sida qoryaha hoobiyeyaasha, dhashiikayaasha, iyo gantaalaha garbaha laga rido ee RPG loo yaqaano. Waxaa kaloo jira diyaarado Drones ah oo iyaguna gantaalo ku riday hotelka, arintaas oo keentay inuu burbur xooggan soo gaaro hoteelka.

War kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in hawgalku uu u socdo sidii loo qorsheeyay, isla markaana ragga inghimaasiyiinta ah ay difaacyo kaga jiraan gudaha hoteelka.

"Dagaalkii bilawday shalay maghribkii ilaa hada waa uu socdaa. Ciidamadeenu waxay weli gacanta ku hayaan dhismihii cadawgu gabaadka ka dhigan jiray ee Xayaat. Waxaa jiray isku dayo fara badan oo ay soo sameeyeen maleeshiyaatka ridada ah iyo gaalo saliibiyiin ah oo usoo gurmaday, balse haleeyada Islaamku, Ilaahay mahadiis, jilibka ayay u aasteen, khasaare xooggana waa ay gaarsiiyeen" Sidaas waxaa Idaacada Andalus u sheegay Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in gudaha hoteelka ay daadsanyihiin maydadka cadaw aad u fara badan, qaar kalena ay weli gacanta ku hayaan ciidanka Mujaahidiinta. "Cadawgu wuxuu isku deyayaa inuu gabi ahaanba dumiyo oo dhulka dhigo dhismaha, hub aad u culus ayay ku garaacayaan dabaqyada hoteelka, iyagoo aanan u aaba yeeleynin saaxiibadooda weli ku go'doonsan gudaha hoteelka" ayuu yiri Sheekh Abu Muscab.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xoogganaa aee y ciidamada Xarakada Al Shabaab ku qaadaan Muqdisho tan iyo markii uu maamulka Villa Soomaaliya la wareegay Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku wareegayay wadamada caalamka, isagoo fagaare walba oo uu tago ka sheegayey inuu qaadi dooni dagaal lagu jebinayo Al-Shabaab, isagoo wadamadaas ka codsanayey inay ku caawiyaan hub iyo dhaqaale.

Related Items