Ciidamada Kenya oo lagu weeraray NFD iyo Jubbada Hoose.

Friday August 19, 2022 - 13:26:10
MeMo Staff
Xoogag jihaadi ah ayaa markale weeraro ka fuliyay gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin kumanaan katirsan ciidamada shisheeyaha ATMIS.
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay weerar culus lagu miray saldhig ay ciidamada melleteriga Kenya uga sugnaayeen deegaannada Taabto iyo Cabdalla Biroole.

Weerarada oo ahaa kuwa safballaaran ah ayaa lagu beegsaday isku imaatinno ay ciidamada Kenya uga sugnaayeen gudaha saldhigyada laweeraray.

Dad ku sugan tuulada Taabto oo hoostagta degmada Afmadoow ayaa sheegay in ay maqleen jugta madaafiic iyo rasaas culus oo ay isdhaafsanayeen xoogaga jihaadiga ah ee weerarka qaaday iyo ciidamada Kenya ee KDF loo yaqaan.

Weerarka ugu culus ayaa ciidamada Kenya lagula beegsaday deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 50Km ujira magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose, jihaadiyiinta ayaa saldhigga ciidanka la eegtay garneyllo iyo hub waaweyn balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Dhammase ee hoostaga Mandheera ayaa sheegaya in xalay dhowr madfac lala helay saldhig ay deegaanka uga suganyihiin ciidamada Kenya.

Al Shabaab ayaa sare uqaaday weerarada ay ka geysanayaan dhulka Soomaalida NFD ee kujira gummeysiga Kenya.

Related Items

Update cookies preferences