War ramsi ah oo kasoo baxay jamaacada Nusratul Islaam walmuslimiin ayaa lagu sheegay in weerar qorshaysan oo ka dhacay bartamaha dalka Maali lagu dilay calooshood ushaqeystayaal Ruushiyaan ah.
Wararka laga helayo Maali ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari oo katirsan shirkadda Fagnar ee Ruushka laga leeyahay ay dhinteen kadib weerar jidgal ah oo ka dhacay mandiqadda Bandiagara.
Bayaan kasoo baxay jamaacada Nusratul Islaam ee ku xiran Ururka Al Qaacidda ayaa lagu caddeeyay in ciidamada calooshood ushaqeystayaasha Fagnar ay ku firxadeen dhul howd ah kadib markii khasaara lagu gaarsiiyay weerarkii dhabbagalka ahaa ee ka dhacay Bandiagara.
Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay dowlada Faransiiska ku dhawaaqday in askarigii ugu dambeeyay oo katirsanaa ciidankeeda ay kala baxday dalka Maali kadib 9 sano oo duullaan gardarra ah ay ku joogeen.