Weeraro Ciidamada ATMIS iyo kuwa DFS Lagula Eegtay Baay, Banaadir iyo Sh/hoose

Tuesday August 16, 2022 - 07:54:14
MeMo Staff
Ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaley dagaal culus ku qaaday fariisinka maleeshiyaatka DFS ku leeyihiin xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir.

Isla Banaadir waxey dagaalyahanada Shabaab xaley dagaal toos ah ku qaadeen fariisinka maleeshiyaatka DFS ee Cali Agoon oo ka tirsan xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa

Dhanka Baay, Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey xaley dagaal culus ku qaadeen saldhigyada cXabashida Itoobiya iyo midka maleeshiyaatka Soomaalida ee degmada Bardaale sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadlay Xarakada.

Sidaas si la mid ah dhanka Sh/hoose, dagaalayahanadan waxay xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Afrikaankaa ee deegaanka Shalambood.

Isla Shabeelada hoose waxaa sidoo kale weerar lagu qaaday saldhiga ciidamada ATMIS ee deegaanka Golweyn ee hoostaga degmada Buulo mareer, waxaa dagaalkaas dhinac socday mid kale oo lagu qaaday saldhigga maleeshiyaatka Soomaalida ee deegaanka Lafoole.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weeraradaas, waxaase uu qeyb ka yahay weeraro joogto ah oo lagu beegsado saldhigyada iyo arumaha ciidamada ATMIS iyo kuwa DFS ee ku sugan deegaankaasi.


Related Items