William Ruto oo ku Guuleystay Doorashada Kenya Iyo Khalalaaso ka Bilowday Wadanka

Monday August 15, 2022 - 18:42:19
MeMo Staff
Gudoomiyaha guddiga doorashada dalka Kenya Wafula Chibukati ayaa goordhow ku dhawaaqay in doorashadii dalka Kenya uu ku guuleystay William Ruto, Iyadoo natiijadaasna uu qaadacay musharaxii la tartamayey ee Raila Odhinga.
Sida uu sheegay gudiga doorashada William Ruto ayaa helay 50.49% sidaasna waxa uu ku noqday madaxweynaha dowlada Kenya sida uu gudoomiyaha sheegay.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha gudiga doorashada balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in gudigu kala qeybsan yahay oo aanay natiijada lagu dhawaaqay ahayn mid la isku waafaqsan yahay.

Afar xubnood oo guddiga ka tirsan oo ay hogaaminaysay gudoomiya ku xigeenka ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn natiijada uu gudoomiyaha ku dhawaaqay.

Khalalaaso ayaa lagu soo waramayaa inay ka bilowdeen qaar ka mid ah gobolada wadanka, gaar ahaan gobolka uu kasoo jeedo Raila Odhinga oo ah musharaxa la tartamayey William Ruto.


Related Items