TPLF oo Beenisay Inay Wadahadal La Furtay Xukuumada Addis Ababa

Sunday August 14, 2022 - 23:13:01
MeMo Staff
War kasoo baxay jabhada hubeysan ee Tigreyga ee fadhigeedu yahay Waqoyiga Itoobiya ayaa lagu beeniyay warar dhawaan ay baahiyeen warbaahinta oo laga soo xigtay golaha Midowga Africa, kaasoo sheegayay in wadahadal iyo xiriir wadashaqeyn ah uu dhexmaray iyaga iyo Xukumada Addis Ababa
TPLF ayaa beenisay war saxaafadeed uu horay usoo saaray Midowga Africa oo ay ku sheegeen in ay bogaadinayaan xiriirka dhexmaray Jabhada Tigreyga iyo dowlada Itoobiya oo isu soo dhawaaday kadib dadaal uu sameeyey ururka midowga Africa.

Afhayeenka TPLF ayaa Wareysi uu siiya wakaalada Wararka AFP waxaa uu beeniyay hadalka Midowga Africa, waxaana uu sheegay in warkaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Hadalka TPLF ayaa caqabad ku ah wadahadallo ay garwadeen ka ahaaeen Mareykanka iyo Reer Yurub oo la isku soo dhaweeynayay labada dhinac.

Dowlada Itoobiya ayaa laga soo bilaabo 2020 waxay dagaal kula jirtay Jabhada TPLF, lkn todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa labada dhinac waxay isku afgarteen suur tagalnimada in la bilaado wadahadallo lagu soo afjaro colaada socota ku dhawaad mudo 2 sano ah.

Related Items