Weeraro kala duwan oo ciidamada ATMIS iyo kuwa Soomaalida Lagula Eegtay Koonfurta Soomaaliya

Sunday August 14, 2022 - 23:09:06
MeMo Staff
Qarax xoogan ayaa deegaanka Sabiid lagula beegsaday maleeshiyaat ka ka tirsan DFS kuwaas oo lasocday Mooto waxaana halkaas ku dhintay labo askari.
Dhanka kale, Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ay ku garaaceen xerada ciidamada Itoobiya ee deegaanka Awdiinle ee duleedka magaalada Baydhabo.

Waxaa madaafiicdaas ku dhaawacmay labo askari oo Itoobiyaan ah, waxaana ku gubtay a 3 Teendho oo ka taagnaa gudaha xerada.

Weeraradan ayaa ka qeyb ka ah howlgalada joogtada ah ee dagaalyahanada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku beegsadaan ciidamada Shisheeye iyo kuwa DFS ee ku sugan Soomaaliya.

Related Items