Xusseen Jibriil oo lagu dilay Qarax ka Dhacay Degmada Afgooye

Thursday August 11, 2022 - 23:00:47
Qarax aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaas oo lala eegtay Sarkaal lagu magacaabo Xusseen Jibriil oo ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye.
Sida wararku sheegayaan ninkaan ayaa lagu dilay qarax lala eegtay gaari uu watay, waxaana sidoo kale la socday oo halkaas kula dhintay laba ka mid ah ilaaladiisa.

Xusseen ayaa horay usoo noqday gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga ee degmada Afgooye, waxaana imika uu ka mid ahaa saraakiisha maamulka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegtay inay khaarijisay mid ka mid ah saraakiisha maamulka Sh/hoose oo ay in muddo ah baadi goobayeen sida uu sheegay sarkaal la hadlay idaacada Andalus ee ku hadasha afka Shabaabul Mujaahidiin

Related Items