Museveni Ciidanka Soomaalida Wey Nala Qeybsan karaan Tuutaha Iyo Cuntada balse Mushaar Uma Heyno.

Tuesday August 09, 2022 - 17:09:09
MeMo Staff
Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha DFS ayaa booqasho ku tagey dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, kaa oo uu ka dalbaday inuu kaalmo iyo garab istaag ku siiyo dagaalka ay dowladiisu dooneyso inay ku qaado Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda kadib warbaahinta la hadlay, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu madaxda Uganda kala kulmay soo dhaweyn diiran, halka Yuweri Musaveni uu sheegay inuu Xasan Sh Maxamuud soo raadsaday kaalmo balse aysan iyagu awood u lahayn inay kaalmadaas ku garab istaagaan.

Musaveni ayaa yiri: "Markii aan tagey Soomaaliya, waxaa arimaha ay ka doodayeen Shariif iyo Farmaajo ka mid ahaa qadiyada mushaarka, Marka qarankaagu yahay mid taagdaran sidee baad ku heli kartaa lacag aad ku maareyso mushaaraatka ciidankaaga, sidaad la socotaan Soomaaliya waa wadan weyn, waa wadan ku saddex jibaarma Uganda, waa dhul aanan lagu maamuli karin 10 kun oo askari ama xitaa 40 kun, balse taasi badalkeed waxaan u maleynayaa inay Soomaaliya u baahan tahay ugu yaraan 80 kun oo askari, mushkiladuse waxay tahay halkee baa ciidanka intaas la eg mushaar looga keenayaa?”


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ihaaneysatay madaxda iyo ciidanka dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna yiri: "Anagu rajadeenu waxay tahay, dadkaan kula socdana aan u sheegay inaan Soomaaliya ka caawin karno inay ka adkaato Shabaab, waxaan ku caawin karnaa hubka iyo dareeska, weliba cuntada aan cuneyno waad nala qeybsan kartaan laakiin waxa aynaan idinka caawin karin ayaa ah mushaarka ciidankiina, halkaas markey joogto oo aad mushaar u baahan tihiin waxaad aadaan imaaraatka, Qadar, iyo Turkiga”


Ihaanadan uu Xasan Sheekh kala soo kulmay Uganda ayaa imaanaya Iyadoo dowladiisu ay isku diyaarineyso inay qaado olole dagaal oo ka dhan ah Shabaabul Mujaahiiin, waxaana dhawaan hadal uu jeediyey madaxweynaha DFS ku sheegay in uusan wax wada hadal ah la gali doonin Shabaab taasi badalkeedna ay awoodda saari doonaan sii awood military looga adkaan lahaa.

Related Items