Weeraro Safballaaran ah oo lagu beegsaday saldhigyada ciidanka Kenya ee gobolka Mandheera.

Saturday August 06, 2022 - 13:03:58
Liibaan Jeexoow
Xoogag jihaadi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya uga sugnaayeen mid kamida deegaannada gobollada dhulka NFD.
Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ayaa sheegaya in xalay weeraro lagu miray saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelqaaloow.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerar kale oo dhabbagal ah loo dhigay kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay deegaanka Warguduude, kolonyada oo ka koobneed 7 gaari ayaa mid kamida lala helay RPG isagoona halkaas ku basbeelay.

Sidoo kale dagalayahannda Al Shabaab ayaa weeraray illaa sedax saldhig oo ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Goolij ee hoostaga Ceelqaaloow.

Weeraro kale ayaa lagasoo sheegayaa deegaannada Fiinoow,Sheekh Barroow iyo Alcarabiya oo dhammaantood katirsan gobolka Mandheera ee dhulka NFD.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan safka ballaaran ah ee lagu qaaday saldhigyada ciidanka Kenya ay ku leeyihiin gobolka Mandheera.

Related Items