Xasan Gurguurte oo magaalada Kampala kula kulmaya Yuweri Museveni.

Saturday August 06, 2022 - 11:07:58
Liibaan Jeexoow
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale socdaal ugu amba baxay dalka dibaddiisa maalmo kadib markii lasoo magacaabay xukuumad diidmo adag kala kulantay siyaasiyiin iyo xildhibaanno.
Saraakiil katirsan madaxtooyada Villa Somalia ayaa warbaahinta usheegay in madaxweyne Xasan uu magaalada Kampala kulan kula qaadan doono Yuweri Museveni oo kumanaan askari ay ka joogaan Soomaaliya.

Xasan Gurguurte ayaa socdaalkii 8aad ku aadday dalka dibaddiisa tan iyo markii uu madaxweyne noqday waqti hadda laga joogo 70 maalmood.

Safar uu madaxweynaha DF-ka ku tagay wadanka Masar dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ayaa ka caraysiiyay dowladda Itoobiya oo dhankeeda wadda olole ka dhan ah xasan Gurguurte.

Related Items