Weerar lagu dilay taliye ku xigeen maleeshiyaatka DFS ee Buulo Mareer iyo askari kale ayaa ka dhacay gudaha degmadaas sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo saraakiil u hadlay Shabaabul Mujaahidiin.
Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabo jiray Maxamuud Axmad, waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay laba askari oo kale oo midkood la sheegay inuu ahaa madaxii Canshuuraha ee degmada Buulo Mareer kaas oo lagu magacaabi jiray Bashiir Jiis.
Weerarkan oo ahaa mid dhabogal ah ayaa lagu soo furtay laba qori oo AK47 ah iyo Bastoolad sida lagu sheegay war kasoo baxay Shabaabul Mujaahidiin.