Sh. Fu'aad oo Kalmad jeediyay Kana Hadlay Beentii ay Faafiyeen Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Jigjiga [Dhageyso].

Wednesday August 03, 2022 - 17:01:12
31162
Liibaan Jeexoow
Sh. Fu'aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah madaxda Shabaabul Mujaahidiin ayaa meel fagaare ah ka jeediyey kalmad uu uga hadlayo dagaaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray ciidankooda iyo maleeshiyada Lyu Police ka isagoona sidoo kale soo hadal qaaday beentii ay faafisay dowladda Itoobiya iyo maamulka Jigjiga ee ahaa in hogaamiyahaas lagu dilay dagaalkii Aato.
Sh. Fu'aad ayaa ku goodiyay in ay weeraro hor leh ku beegsan doonaan maleeshiyada Liyuu Police kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa ugu liita maleeshiyaatka Soomaalida diin ahaan iyo dhaqan ahaanba iyaguna ay joogteyn doonaan beegsiga maleeshiyadaasi.

Wuxuu sheegay in maleeshiyadaas aysan weligood guul arki doonin maadama ay dhawaan ku joogjoogsadeen magaca Allaah iyo kalmadda towxiidka, wuxuuna sheegay in ay ku dambeyn doonaan darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aas aasay oo uu kala jeedo Cabdi ileey.

Related Items