Xamza Barre oo soo dhisay xukuumad uu wasiiradeeda kamid yahay Mukhtaar Rooboow.

Tuesday August 02, 2022 - 16:27:16
Liibaan Jeexoow
Kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu dhawaaqay xukuumadda cusub ee DF-ka Soomaaliya.
R/wasaare Xamze Barre ayaa soo dhisay xukuumad ka kooban illaa 25 wasiir, wasiirro dowlayaal iyo ku xigeennadooda.

Inta badan golaha wasiirrada ayaa ah saaxiibadii Xasan Gurguurte ay islasoo shaqeeyeen Afartii sano ee uu madaxweynaha ahaa waxaana kamid ah Faarax C/qaadir oo laga dhigay wasiirka Waxbarashada,Axmed Macallin Fiqi oo laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha iyo C/qaadir Max'med Nuur oo loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga horayna xilkan u hayay.

Golaha wasiirrada waxaa ku cusub Mukhtaar Rooboow Cali oo dowladdii Farmaajo ay xirtay horayna uga mid ahaa Al Shabaab, Rooboow ayaa laga dhigay wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta.

Wasiirka amniga gudaha waxaa loo magacaabay Axmed Doodisho,Xamze Barre ayaa xukuumaddiisa ugu magac daray Dan Qaran balse dadka mucaaradsan ayaa ku sheegay xukuumad Xizbi marka la eego ragga xubnaha ka ah.

Related Items