Jeneraalka Ugu sarreeya ciidamada Itoobiya oo gaaray magaalada Beledweyne.

Tuesday August 02, 2022 - 12:40:42
Liibaan Jeexoow
Saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Xabashida dowladda Itoobiya ayaa soo gaaray dalka Soomaaliya si ay uxoojiyaan gummeysiga ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen saraakiil Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay Jen, Tesfaye Ayelaw oo ah madaxa howlgelinta ciidamada Xabashida.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayay ka degeen iyagoo watay diyaarad khaas ah kadibna waxay usii gudbeen saldhigga Janta Kuundisho ee duleedka magaalada Beledweyne halkaas oo ay ku suganyihiin kumanaan askar itoobiyaan ah.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha Itoobiyaanka ay awaamir siin doonaan madaxda maamulka Hirshabelle oo maalmihii lasoo dhaafay ka qeylla dhaaminayay maleeshiyaadka Liyuu Booliska ee qabsanayay deegaanno dhaca xadbeenaadka balse katirsan Hiiraan.

Mustafa Cagjar oo ku magacaaban madaxweynaha maamulka dhulka Somaligalbeed ka jira ee DDSI ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in Itoobiya ay mandiqad Soomaalida ka caagan ka dhisi doonto gudaha Soomaaliya waxaana lafilayaa in mandiqadahaas ay ciidamada itoobiya ka dhisaan gobollada Hiiraan iyo Bakool.

Kumanaan askari Itoobiyaan ah ayaa muddo ku dhow 10 sano xoog ku jooga magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related Items