Dagaal khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo uu watay Cali Cusmaan Jeyte oo Hiiraan ka dhacay.

Tuesday August 02, 2022 - 12:43:42
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal culus oo markale gobolka Hiiraan ku dhaxmaray xoogag jihaadi ah iyo maleeshiyaad gacan saar laleh Xabashida Itoobiya.
Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii ka qarxay deegaanka Bukurre oo udhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan iyo maleeshiyaad uu watay Cali Cusmaan Jeyte oo ah guddoomiyaha gobolka ugu magacaaban maamulka Hirshabeelle ayuu dagaalku ka dhaxmaray.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari laga dilay maleeshiyaadka dowladda halka 15 kale laga dhaawacay, goob joogayaal ayaa lagasoo xigtay in qaar katirsan meydadka maleeshiyaadka looga cararay goobta dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan waxaana dhaawacyada soo gaaray ciidamada Cali Cusmaan Jeyte loo qaaday degmada Guriceel.

Related Items