Taageerayaasha Muqtada Alsadar oo wali gacanta ku haya xarunta Baarlamaanka Ciraaq.

Monday August 01, 2022 - 16:48:29
MeMo Staff
Wadanka Ciraaq waxaa cirka iskusii shareeray xiisadaha siyaasadeed ee udhaxeeya siyaasiyiinta Shiicada Faasidiinta ah ee talada wadanka xooggan ku haysta tan iyo sanaddii 2003-dii kolkaas oo ciidanka Mareykanka ay wadankan duullaan gardarra ah ku qaadeen.
Maleeshiyaad iyo taageerayaal daacad u ah Muqtada Alsadar oo kamid ah hoggaamiyaasha Shiicada ayaa maalintii 3aad oo xiriir ah gacanta ku haya xarunta baarlamaanka magaalada Baqdaad iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Qaar kamid ah dhismayaashii ay dowladdu ku shaqeynaysay waxaa saldhigtay kumanaan qof shiico rawaafid ah oo diidan hanaanka ay ushaqeyso xukuumadda uu madaxda ka yahay R/wasaare Mustafa Alkaadimi.

Dibad baxyo isbuucyadii lasoo dhaafay ka socday magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq ayaa ugu dambeyntii kusoo biya shubtay in dadka kacdoonsan ee daacadda u ah Alsadar ay qabsadaan dhsimaha Baarlamaanka kadib markii ay xoog ku galeen halka loo yaqaan mandiqadda khadka cas ee amnigeeda sida aadka ah loo ilaaliyo.

Isagoo ku dangiigo kursiga guddoomiyaha baarlamaanka xafiiskana ay buux dhaafiyeen boqolaal dibad baxayaal ah ayuu yiri afhayeen u hadlay taageerayaasha alsadar "waxaan doonaynaa in larido hoggaanka faasidiinta oo isbedel lagu sameeyo dowladda".

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dibad baxyaasha shiicada ah oo gudaha xarunta baarlamaanka ku isticmaalaya maandooriyaasha nuucyadooda kala duwan sida shiishadda iyo tubaakada, wuxuu ahaa muuqaal sawir ka bixinayay waxa ay yihiin dibad baxayaasha iyo waxa ay doonayaan.

Muqtada alsadar oo fatqaladahan gadaal ka taagan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa socda isagoo ugu baaqay xukuumadda Ciraaq ka jirta in ay ka faa'iidaysato fursadda taagan ayna waxbadan ka bedesho hanaanka ay wax uwaddo.

"waxaad haysataan fursad dahabi ah waa in aad u madax raaricisaan kacdoonka shacabka ee ka dhiidhiyay dulmiga, argagax gelinta, fasaadka iyo lunsashada hantida guud" ayuu yiri Muqtada Alsadar.

Hoggaanka xukuumadda shiicadu ku badantahay ee Ciraaq ayaa ka aamusan dhacdooyinkan wadanka gilgilay inkastoo ay soo qaban qaabisay dibad baxyo kale oo ka dhan ah Tayaarka Alsadar, wasaaradda difaaca ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay difaacayso dibad baxayaasha iyo xarumaha danta guud iyadoo laamaha amniga fartay in ay shaqadooda qabsadaan basle taasi ma horseedin in taageerayaasha Alsadar ay ka baxaan xarunta baarlamaanka.

Mustafa alkaadimi ayaa wali ka aamusan rabshadaha hareeyay magaalada Baqdaad, waxa is haya ayaa ah shiicada Rawaafidda ee ay kala wataan dowladaha shisheeye sida aala sacuud iyo Mareykanka oo isku dhinac ah iyo iiraan dhanka kale ah.

Related Items