Sarkaal la shaqeynayay ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay!.

Monday August 01, 2022 - 16:49:29
MeMo Staff
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xoogag hubaysan ayaa maanta barqadii xaafadda Say biyaano ee degmada Hodon ku dilay sarkaal wadashaqeyn dhow lalahaa taliska ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Cabdiwali Jeekeey oo ahaa sarkaal katirsan DF-ka balse qandaraas wadashaqeyn ah kula jiray dowladda Mareykanka.

Goob joogayaal ayaa lagasoo xigtay in raggii dilka geystay ay si nabad gelyo ah goobta uga baxsadeen, Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo DF-ka oo ku saabsan dilka loo geystay Cabdiwal Jeekeey.

Related Items