Mid kamida dabadhilifyadii Soomaaliya kusoo hoggaamiyay shisheeye oo geeriyooday.

Sunday July 31, 2022 - 09:10:42
Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka tacziyeeyay geeriday Max'med Warsame Darwiish oo kamid ahaa aas-aasayaashii maamulka dabadhilifka ah.
Darwiish oo ahaa dagaal ooge taariikh madoow leh ayaa shalay ku dhintay Isbitaal kuyaal dalka Jarmalka.

Max'med Warsame Darwiish ayaa dowalddii Cabdullaahi Yuusuf kasoo noqday taliyaha Nabad sugidda wuxuuna caan ku ahaa howlgalladii raafka ahaa ee ciidamada Xabashida Itoobiya ay ka geysan jireen xaafadaha magaalada Muqdisho sanadihii 2007-2008.

Wuxuu kamid ahaa saraakiishii maamulkii Cabdullaahi Yuusuf ee cadowga umadda Soomaaliyeed dalka kusoo hoggaamiyay.

Dabayaaqadii sanaddii 2012-kii ayuu Darwiish markale Taangiyada ciidamada Kenya usoo gelbiyay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose kadibna wuxuu kamid noqday saraakiishii ugu sarraysay ee dhisay maamulka lagu magacaabo Jubbaland ee Kenya uga wakiilka ah Soomaaliya.

Darwiish taliyihii hore ee Nabad sugidda iyo Max'med Guuleed Gacmadheere wasiirkii arrimaha gudaha dowladdi Cabdullaahi Yuusuf ayaa ciidamada Itoobiya ku amray in ay xasuuq daran ka geystaan xaafadaha ku hareeraysan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Related Items