Dhageyso: 6 ruux Jawaasiis ah oo lagu dilay deegaan katirsan gobolka Baay.

Saturday July 30, 2022 - 18:23:36
Liibaan Jeexoow
Fagaare kuyaal deegaanka Buulay ee gobolka Baay ayaa lagu dilay dad lagusoo eedeeyay in ay ubasaasayeen dowladda Mareykanka iyo DF-ka.
Qaadiga Maxkamadda Wilaayada Islaamiga Bay oo bayaan ka akhrinayay xukunka maxkamadda ayaa mid mid ufaah faahiyay dambiyada lagu helay lixda ruuxda ee goobta fagaaraha ah lagu dilay.

Qaar kamid ah Jawaasiis ayaa mas'uul ka ahaa dilka saraakiil katirsan Al Shabaab, odayaal dhaqameedyo iyo rag kale.

Jawaasiista ladilay ayaa badankood ushaqeynayay sirdoonka Mareykanka iyagoo usoo marayay sirdoonka DF-ka qeybta magaalada Baydhabo.

Sidoo kale askari katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ayaa kamid ahaa dadkii lagu dilay Buula Fuulaay, askariga ayaa lagu qabtay wadada xiriirisa degmooyinka Diinsoor iyo Baydhabo.


Halkan ka degso xukunka Maxkamadda MP3

Related Items