Saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Ceelraam oo weerar lakulmay iyo warar kale.

Tuesday July 26, 2022 - 09:14:04
MeMo Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday ciidamada gummeysiga Kenya.
Xoogag hubaysan ayaa xalay fiidkii weerar ku miray saldhig ay ciidamada Melleteriga Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceelraam oo hoos taga degmada Ceelqaaloow.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada jihaadiga ah ay saldhigga ku garaaceen madaafiicda RPG-ga iyo Garneyllo waxaana gubtay gaari nuuca gaashaaman ah oo gudaha saldhigga yiillay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda sare ka arkeen holac ka baxaya saldhigga ciidanka Kenya ee Ceelraam.

Dhinaca kale rag hubaysan ayaa xalay xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda.

Askariga ladilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Naasir Dameer dile wuxuuna caan ku ahaa falalka burcadnimo ee uu ugeysan jiray dadka xaafadda Saybiyaano.

Related Items