Sidee Mareykanku uga macaashay dagaalka ka holcaya dalka Yukreyn? [Warbixin].

Tuesday July 26, 2022 - 07:54:53
MeMo Staff
Warbixinno soo baxay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay faa'iidooyin waaweyn ka xaqiijisay dagaalka culus ee dalka Yukreyn ka socdo.
Warbixinno soo baxay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay faa'iidooyin waaweyn ka xaqiijisay dagaalka culus ee dalka Yukreyn ka socdo.

Dowladda Mareykanka oo kamid ah dhinacyada ugu saameynta badan ee colaadda udhaxaysa ruushka iyo reergalbeedka ayay warbixinadu sheegayaan in ay suuq cusub oo dhanka hubka ah ka kasbatay bariga qaaradda Yurub.

Sida ay wararku sheegayaan tan iyo bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay markii uu Ruushku ku duulay Yukreyn ayuu Mareykanka lawareegay jihaynta siyaasadda arrimaha dibadda ururka midowga Yurub waxayna dowladaha Yurub ku shaqeeyaan baa laleeyahay siyaasadda ay Washington dajiso.

Guusha kale ee Mareykanku uu ka dhaxlay dagaalka Yukreyn waxaa kamid ah in uu Yurub ka fogeeyo shiinaha iyo Ruushka, dowlado waaweyn oo xiriir ganacsi lalahaa shiinaha ayaa lacago dheeraad ah kusoo rogay shirkadaha shiinayska arrinkaas oo sababay in badeecadaha shiinaha ay gabaabsi ka noqdaan suuqyada qaaradad Yurub.

Sidoo kale Mareykanka ayaa hadda noqday isha ay hubka kasoo iibsadaan dhammaan dowladaha dhaca bariga qaaradda Yurub kuwaas oo markii hore lacago balaayiin dollar ah ku qarash garayn jiray warshadaha hubka dalka Ruushka.

Macaahid daraasaad mug leh ku sameeyay arrintan waxay sheegeen in dowladaha bariga Yurub ay bilaabeen burburinta hubkii duugga ahaa ee Ruushka waxayna ku bedelayaan hub casri ah oo Mareykanka ay kasoo iibsadeen.

Xukuumadda Washington ayaa Yurub oo idil ku cabsi gelinaysa in Ruushku uu qabsan doono haddii uu kasoo taqaluso Yurkeyn arrinkaas oo dhaliyay in isagu uu gacantu ku dhigo siyaasaddii arrimaha dibadda yurub.

 

Related Items