Sheekh Fu'aad oo booqday Furimaha Ceelbarde iyo Caato goodisna udiray Liyuu Booliska [Dhageyso].

Tuesday July 26, 2022 - 09:16:27
MeMo Staff
Ciidamada Wilaayada Islaamiga Bakool ayaa howlgallo ballaaran ka wada deegaannada ku teedsan xuduud beenaadka Itoobiya si ay shacabka rayidka ah uga difaacaan maleeshiyaadka Xabashida Liyuu Booliska.
Sheekh Fu'aad Max'med Khalaf oo kamid ah culimada jihaadka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay furimaha deegaannada Ceelbarde iyo Caato isagoo halkaas kula hadlay boqolaal katirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Wuxuu ciidamada ujeediyay kalimado dhiirigelin ah isagoo soo hadal qaaday dagaalladii lagu laayay ciidamada Itoobiya ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Yeed iyo deegaanka Caato.

Sheekha ayaa ugu goodiyay maleeshiyaadka Liyuu Booliska ee ku sugan deegaannada xuduud beenaadka in ay ka shallayn doonaan xasuuqa iyo xadgudubyada ay ku hayaan dadka muslimiinta.


Related Items