Diyaarado laga leeyahay Kenya oo Khaadka Miiroowga ka dejiyay Muqdisho.

Sunday July 24, 2022 - 17:06:08
MeMo Staff
Markii ugu horraysay laba sanadood kadib diyaarado siday maandooriyaha Khaatka Kenya ayaa soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho.
Diyaaradahan ayaa Kenya kasoo daabulay shixnadihii ugu horreeyay ee Qaadka loo yaqaan Miirowga.

Wasiirka beeraha dowladda Kenya ayaa beeralayda wadankiisa ugu bishaareeyay in ay dib uheleen suuq weyn oo muddo 2 sana ah ka xirnaa.

Socdaal uu isbuucii lasoo dhaafay Xasan Sheekh ku tagay magaalada Nairobi ayuu dowladda Kenya ugu saxiixay in maandooriyaha Khaadka loo suuq geyn karo dhammaan magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Related Items